12/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 16, 2024
NISA oo shacabka Soomaaliyeed uga digtay iney la macaamilaan horjooge Xasan Afgooye
 

Isniin, December 16, 2024 (HOL) - Warsaxafadeed kasoo baxay hay'adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA ayaa shacabka Soomaaliyeed looga digay iney la macaamilaan Xasan Cali Maxamed oo loo yaqaano Xasan Afgooye oo ah horjooge ka tirsan kooxda Al-shabaab.

Horjoogahaan ay NISA uga digeyso bulshada Soomaaliyeed ayaa kooxda Al-shabaab u qaabilsan dhanka dabagalka lacagaha baada ah iyo xiriirka shirkadaha.

"NISA ayaa si dhaw ula socoto aalado kasto oo xiriirka uu ninkan uu isticmaalo, waxayna guud ahaan dadka uga digeysa inay ninkan la sameeyaan la macaamil ayna ka agdhawadan goobaha uu joogo, maadama dowladda fedaraalka horjoogahaan saartay xanibaad dhan kasto ah" ayaa lagu yiri Warsaxafadeedka kasoo baxay NISA.

Hay'adda Nabad sugidda Qaranka Soomaaliya ayaa sidoo kale ugu baaqday shacabka Soomaaliyeed hadii ay helaan xogta ninkan lagu magacaabo Xasan Afgooye iney lasoo wadaagaam ciidanka NISA, islamarkaana NISA ay abaal marim siin doonto cidii soo gudbisa xogtiisa.

Hoos ka akhriso Warsaxafadeedka kasoo baxay NISA oo dhameystiran:-