12/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 15, 2024
NISA oo Caawa shaacisay iney xirtay in ka badan 12 kun Akoon oo Al-shabaab isticmaali jirtay
 

Axad, December, 15, 2024 (HOL) - Taliska hay'adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA ayaa shaaciyay iney xireen in ka badan 12 kun Akoon oo kooxda Al-shabaab u adeegsan jireen faafinta wararka been abuurka ah.

War qoraal ah oo kasoo baxay NISA ayaa lagu sheegay in hay'addu ay ku guuleysatay in xirto 12,010 Akoon oo isugu jiray Baro bulsho iyo Website-yo wararka lagu daabaco oo ay isticmaali jirtay kooxda Al-shabaab.

“Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA oo kaashanaysa Hay’adaha Dowladda Federaalka ee qaabilsan Internet-ka iyo Warbaahinta ayaa ku guuleysatay in ay xirto 12,010 Akoon, oo isugu jiray Baro Bulsho iyo Website-yo wararka lagu daabaco, kuwaas oo ay Khawaarijtu u adeegsan jirtay faafinta fikirka argagixisada" ayaa lagu yiri warka kasoo baxay NISA.

Akoonada NISA ay sheegtay iney ka xirtay Al-shabaab waxaa ugu badan tiro ahaan Facebook, waxaana kusii xiga TikTok iyo Telegram, waxaana talaabadaan Hay’adda NISA shaacisay ay ku soo aadaysa, iyadoo Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya horay u shaacisay in hawada laga saartay aalado badan oo Al-shabaab ku laheyd baraha bulshada ee Internet-ka.

Hoos ka akhriso qoraalka kasoo baxay NISA oo faahfaahsan:-