12/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 15, 2024
Maamulka Jubbaland oo markii labaad Muqdisho u diray askartii lagu qabtay dagaalkii Raaskambooni


Axad, December, 15, 2024 (HOL) - Maamulka Jubbaland ayaa maanta markii labaad magaalada Muqdisho u diray askar katirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo lagu qabtay dagaalkii todobaadkii hore ka dhacay degaanka Raaskambooni ee Jubadda Hoose.

Jubbaland ayaa kala hartay hubkii iyo agabkii ciidan ee ay ku qalabaysnaayeen askartan katirsan ciidanka xoogga dalka, iyagoo kaddib ku daabulay diyaarad ku wajahnayd magaalada Muqdisho.

Mas’uuliyiinta Jubbaland ayaa ku eedeeyay dowladda Federaalka in askartan oo badankoodu dhallinyaro ah, si qaldan loogu adeegsaday weerarro lagu wiiqayo maamulka Jubbaland.

Dowladda Federaalka weli kama hadlin ciidamadeeda lagu qabtay Raaskambooni, kuwaas oo Muqdisho dib loogusoo celiyay.

Dagaalka Raaskamabooni ayaa sii xumeeyay khilaafka Dowladda Federaalka iyo Jubbaland. Dowladda Federaalka ayaa aaminsan in Alshabaab ay lug ku lahaayeen dagaalka lagu jebiyay ciidamadeeda.