12/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 14, 2024
Dagaal beeleed khasaare geystay oo maalintii labaad ka dhacay gobolka Galgaduud
 

Sabti, December, 14, 2024 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal beeleed saacadahii lasoo dhaafay ka dhacay deegaanka Xarar Xeyle oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Ceel buur ee gobolka Galgaduud.

Dagaalka maanta ka dhacay deegaanka Xarar xeyle ayaa ahaa mid daba socday dagaal Shalay halkaas ku dhexmaray labadaan maleeshiyo beeleed ee kasoo kala jeeda degmooyinka Guriceel iyo Ceel buur, kaasoo salka ku haayo dhul daaqsimeed.

Ilaa sideed ruux oo isugu jira labada dhinac ayaa la xaqiijiyay iney ku dhinteen dagaalada shalay iyo maanta ka dhacay deegaanka Xarar Xeyle ee gobolka Galgaduud, halka ay ku dhaawacmeen tiro kor u dhaafeysa 10 ruux oo kale oo ay ku jiraan dad shacab ah.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa haatan sheegaya in dagaalku uu istaagay, hayeeshee Xaaladdu wali tahay kascsan, maadama ciidanka labada maleeshiyo beeleed ay wali is horfadhiyaan waqti kastaba ay suurtagal tahay inuu markale qarxo dagaal beeleedkaan.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka maamulka Galmudug oo ku aadan dagaal beeleedkaan khasaaraha kala duwan geystay ee shalay iyo maanta ka dhacay deegaanka Xarar Xeyle ee gobolka Galagaduud.

Ugu dambeyntii deegaanada iyo degmooyin ka tirsan gobolada Galgaduud iyo Mudug waxaa inya badan ka dhaca oo kusoo laablaabta dagaal beeleedyo dhexmara beelaha walaalaha ah ee wada dega deegaanada maamulka Galmudug.