12/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 14, 2024
Dowladda Soomaaliya oo shaacisay ineysan qaadan wax deyn ah mudada sanadka ah ee kasoo wareegtay deyn cafinta
 

Sabti, December, 14, 2024 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Biixi Imaan Cige ayaa si faahfaahsan uga hadlay sanad kadib guusha dowladda Soomaaliya ay ka gaartay deyn cafinta, isagoo xusay in haatan Soomaaliya ka gudubtay caqabadihii waa weyna ee ka haystay dhanka dhaqaalaha.

Wasiir Biixi Iimaan ayaa sidoo kale sheegay in mudada sanadka ah ee soo wareegtay in Soomaaliya aysan qaadan wax deyn cusub ah, isagoona tilmaamay in qorshuhu yahay in la sii wado dib u habaynta maaliyadda, kor u qaadidda dakhliga iyo maalgalinta adeegyada bulshada.

“Maanta oo kale sanad ka hor, waxa ay ii ahayd sharaf in aan goob joog u ahaado iyadoo uu na wehliyo Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Hassan Sheikh Mohamud guul taariikhi ah oo ay Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed gaareen taas oo aheyd in nalaga cafiyay deyn gaaraysay 5-Bilyan oo Doolar.” ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Biixi Iimaan Cige.

Wuxuu sidoo kale sheegay Wasiir Biixi in deyn cafinta Soomaaliya ay soo dhexmartay mowjado shuruudo ah oo soo socday mudo ka badan 10 sano, taasoo ugu dambeyn ka gudubkeeda u sahashay dowladda Soomaaliya in laga cafiyo deyntaas.

“Sannad ka dib, waxa aan si guul leh u wada xoojinay oo aan ku heshiinnay baabi’inta deymaha ay la haayeen dalalka ku midaysan magaca Naadiga Paris oo aan saxiixnay heshiisyo is xig-xiga, sidoo kale waxa aan wadiiqo lamid ah taas oo kale la galnay dalalka aan ka midka aheyn Naadiga ee loo yaqaano Non-Paris Club, intaasi waxaa sii dheer iyada oo ay jiraan caqabado dhaqaale hadana wax deyn cusub ah Dowladda Soomaaliya ma galin muddadaas Sanad ka ah” ayuu yiri Wasiir Biixi.

Ugu dambeyntii dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku celcelisay marar badan iney xoogga saareyso sidii ay uga maarmi lahayd iney qaadato dayn cusub, islamarkaana sidii looga maarmi lahaa arintaas loo baahan yahay in la xoojiyo dakhliga gudaha ee kabka u noqonaya lacagaha ay u baahan tahay dowladda.