12/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 14, 2024
Sidee Beesha Caalamka uga falceliyeen heshiiskii Ankara ee Itoobiya iyo Soomaaliya?
 

Sabti, December, 14, 2024 (HOL) - Beesha Caalamka ayaa si diirran u soo dhaweeysay heshiiskii ay magaalada Ankara ee dalka Turkiga kuwada saxiixdeen Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud 11-kii Diseembar, 2024.

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Moussa Faki Mahamat, ayaa heshiiska ku tilmaamay inuu yahay ficil muhiim ah. Wuxuu ku booriyay labada dhinac inay si degdeg ah u fuliyaan heshiiska iyaga oo qaadaya tallaabooyin waafaqsan qodobada lagu heshiiyay

Mareykanka ayaa dhankiisa soo dhaweeyay heshiiska, isagoo hoosta ka xarriiqay muhiimadda madax-banaanida, midnimada, iyo wadajirka dhuleed ee labada waddan.

Washington waxay sheegtay in wada xaajoodyada farsamo ee qorshuhu yahay in la billaabo Febraayo 2025 ay Itoobiya u suurtageliyaan marin badeed la isku halleyn karo oo waara.

Geesta kale, Afhayeen u hadlay Xafiiska Arrimaha Dibedda iyo Horumarinta Boqortooyada Ingiriiska ayaa sheegay in heshiiska Ankara uu astaan u yahay iskaashiga lagu xoojinayo xasilloonida iyo horumarka Geeska Afrika.

Midowga Yurub ayaa heshiiska ku tilmaamay mid ka tarjumaya muhiimadda ixtiraamka iyo wada xaajoodka lagu yareynayo xiisadaha gobolka.

Afhayeenka Qaramada Midoobay, Stephane Dujarric, ayaa heshiiska ku tilmaamay tallaabo ku saleysan saaxiibtinimo iyo ixtiraam labada dhinac ah. Sidoo kale Qaramada Midoobay ayaa ku bogaadisay Turkiga hoggaamintiisa dadaalkaasi.

Heshiiska Ankara ayaa qeexaya qorshe wada xaajood oo ku saabsan gelitaanka Itoobiya ee badda Cas, taasoo bilaabaneysa Febraayo 2025.

Labada dhinac ayaa ku heshiiyay inay iska kaashadaan dhammeystirka heshiisyada ganacsi ee ku saleysan madax-bannaanida Soomaaliya.