12/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 13, 2024
Raysal wasaare ku xigeenka dalka oo sheegay in heshiiskii Ankara uu meesha ka saarayo wax walba oo ay ku taameysay Itoobiya
 

Jimco, December, 13, 2024 (HOL) - Raysal wasaare ku xigeenka Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Salaax Axmed Jaamac ayaa heshiiska Soomaaliya iyo Itoobiya maalin ka hor ku wada gaareen magaalada Ankara ee dalka Turkiga ku tilmaamay mid wax ku ool ah.

Saalax Axmed Jaamac ayaa sheegay in heshiiskaasi uu meesha ka saarayo wax walba oo ay ku taameysay dowladda Itoobiya iyo khilaafkii Diblumaasiyadeed ee mudada ku dhaw sanadka ka dhex aloolsana dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya.

"Soomaaliya iyo Itoobiya waxay ku wada shaqeyn doonaan hanaan cusub oo wada ogol ah oo waafaqsan xeerarka caalamiga ah ee dunida, heshiiskan labada dal dhexmaray wuxu keenaya in loo guuro jawi cusub oo lagu xoojinaayo xiriirka labada dal, Soomaaliya waa dal raba in uu dariskiisa nabad kulana noolaato kana qeyb ka qaato horumarka ka socda gobolka iyo Caalamka" ayuu yiri Raysal wasaare ku xigeenka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac

Raysal wasaare ku xigeenka ayaa sidoo kale xusay in guusha aysan iska imaan ee dadaal iyo juhdi badan oo dhan kasto ah leh ay ku bixiyeen madaxda dowladda iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed oo ka dhiidhiyay xadgudubka dowladda Itoobiya kula kacday midninada iyo madax banaanida dhuleed.

Ugu dambeyntii Raysal wasaare ku xigeenka dalka ayaa u mahadceliyay madaxweynaha dalka Turkiga oo uu sheegay inuu dadaal u galay isu soo dhoweynta labada dal iyo sidii loo gaari lahaa heshiis miro dhal ah oo Soomaaliya iyo Itoobiya u horseedaya inay horay u wataan horumaradooda.