Hiiraan Online
12/26/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Jimco, Dec 13, 2024
Dowladda Fedaraalka oo Al-shabaab kala wareeegtay koontooyin ku jireen hal Milyan oo doolar
Jimco, December, 13, 2024 (HOL) - Warsaxafadeed kasoo baxay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa lagu shaaciyay in Xafiisku uu ku guuleystay burburinta Shabakado dhanka Maaliyada u qaabilsana kooxda iyo koontooyin kooxdu lacago ku qaadan jireen.
Warka kasoo baxay Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa sidoo kale lagu sheegay in koontooyinka maaliyadeed ee kooxda laga helay lacag dhan hal Milyan oo doolar, taasoo Xafiisku uu sheegay in lagu shubay qasnada dowladda.
“Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo gudanaya waajibaadkiisa shaqo ayaa ku guuleystay in uu burburiyo shabakado maaliyadeed oo ay kooxaha argagixisadu ku dhici jireen hantida shacab weynaha Soomaaliyeed, Xafiisku waxa uu xaqiijiyay in ka badan hal milyan oo doollar oo laga helay koontooyin maaliyadeed oo ay adeegsan jireen argagixisadu in si sharci ah loogu wareejiyay Dowladda Soomaaliyeed, kadib markii Maxkamaddu soo saartay xukun kama dambeys ah” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka
Warkaan kasoo baxay Xeer Ilaaliyaha guud ayaa sidoo kale lagu sheegay in la xayiray akoono kale oo looga shakiyey iney isticmalaan Al-shabaab, kuwaas oo malaayiin doollar ay ku jirtaan, islamarkaana ay ku socda baaritaano.
Hoos ka akhriso Warsaxafadeedka oo dhameystiran:-