12/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 13, 2024
Taliye kuxigeenkii hore NISA oo ka digay in Al shabaab ay sameyn karaan wixii ay sameeyeen Mucaaradka Syria
 

Jimco, December, 13, 2024 (HOL) - Taliye ku xigeenkii hore ee Hay'adda Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya, Cabdisalaan Guuleed hadana ah falanqeeye dhanka amniga ah ayaa soo saaray digniin adag oo uu kaga hadlayo suurtagalnimada in dagaalyahanada Al-Shabaab ay afgambiyaan dowladda Soomaaliya.

Waxa uu Cabdisalaan uu isbarbar dhig ku sameeyay burburka degdega ah ee ciidamada dowladda Syria ku yimid todobaad wax ka yar oo ay Kooxihii Mucaaradka oo kuwa argagexiso xitaa ay ku jireen ay rideen nidaamkii Madaxweyne Bashaar Al asad.

Ma jirto ayuu yiri wax diidi kara in Al shabaab ay si lama filaan ah ay fikirkoodi u badalaan si lamid ah hogaanka Mucaaradka Syria.

Taliyihii hore ee NISA ayaa ka digay in Al-Shabaab ay guulo la mid ah gaari karto sida kuwa mucaaradka Syria, haddii ay taageero ka helaan wadamo shisheeye oo caalami ah oo doonaya inay qalqal galiyaan xasiloonida Soomaaliya.

Falanqeeyaha ayaa dhaleeceeyay dowladda Soomaaliya istaraatiijiyadeeda ciidan oo ku tilmaamay mid jilicsan oo mar waliba u nugul inuu khasaare soo gaaro.

Cabdisalaan Guuleed ayaa carabka ku dhuftay in dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay Raaskambooni uu ahaa mid niyad jab ku ah ciidamada Soomaaliya, taasi oo meesha ka saartay kalsoonidii ay isku qabeen, isla markaana banaanka soo dhigtay habacsanaan dhanka hogaanka militaryga iyo isku xirnaanta talisyada kala duwan ee Ciidamada Qaranka.

Waxa uu ka digay in arrimahan oo ay weheliyaan suurtagalnimada taageero shisheeye ee Al-Shabaab helaan ay keeni karaan cawaaqib xumo, taasoo Soomaaliya ka dhigi karta inay qarka u korto burbur.