12/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 12, 2024
Cabdiraxmaan Cabdishakuur "Heshiiska Itoobiya lagula galay Ankara ma caddo waxa uu yahay ee yaan la qaldin Bulshada"
 

Khamiis, December, 12, 2024 (HOL) - Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa si adag u dhaliilay heshiiska is afagarad ee magaalada Ankara ee dalkaasi Turkiga ku gaareen madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Raysal wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed.

"Heshiiska Itoobiya lagula galay Ankara ma caddo waxa uu yahay Gacmaha ayey isgeliyeen RW Abiy Axmed iyo MW Xasan Sheekh bulshada Soomaaliyeed yaanan la qaldin, madaxweynahu wuxuu horay dhowr jeer u sheegay inuu wax wada hadal ah la galeyn ilaa uu Aby Axmded ka laabto heshiiskii uu la galay Somaliland, hadana waa la wada ogyahay inuu ogolaado waxa ka keenay iney tahay culeyska ka haysto gudaha" ayuu yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan CabdiShakuur.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka mid ah siyaasiyiinta sida weyn mucaaradka ugu ah dowladda Fedaraalja ayaa sidoo kale dagaalkii Shalay ka dhacay Raas kambooni ee dhexmaray ciidanada dowladda iyo kuwa Jubbaland ku tilmaanay ceeb qaran.

"Wixii ka dhacay Raas kambooni waxay ahayd ceeb qaran tii ugu waynayd muuqaalkii shalay ay ciidanka Soomaaliyeed iskaga dhiibeen xadka Kenya waxay aheyd arin fool xumo badan, wax walba oo halkaas ka dhacayna waxaa masuuliyadeeda qaadanaya madaxweyne Xasan Sheekh maxaa yeelay isaga haligay ciidanka oo halkaas geeyay" ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Hadalkaan kasoo yeeray Siyaasiga Mucaaradka ah Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa kusoo aadaya, iyadoo Xalay magaalada Ankara lagu soo gabagabeeyay wada hadaladii u dhaxeeyay dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya oo ay garwadeenka ka ahayd dowladda Turkiga, islamarkaana labada dhinac ku heshiiyeen in dhamaan arrimahii la isku haystey sida heshiiskii khilaafka dhaliyay ee Itoobiya la gashay Somaliland in meesha laga saaro.