Hiiraan Online
12/26/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 12, 2024
Xasan Cali Kheyre oo ayaan darro ku tilmaamay heshiiskii uu Madaxweyne Xasan Sheekh la gaaray Abiy Axmed
Khamiis, December, 12, 2024 (HOL) - Ra'iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ka hadlay heshiiskii ay xalay kuwada galeen Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya dalka Turkiga, waxaana dhex dhexaadinayay Madaxweynaha dalka Turkiga, waxaana uu ku tilmaamay ayaan darro in xiligaan Dowladda Soomaaliya ay la heshiiso Itoobiya.
Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in 1dii Jannaayo 2024, Itoobiya ay duullaan qaawan ku soo qaadday dalkeenna, ka dib markii ay heshiis is afgarad ah oo sharcidarro ah la saxiixatay Madaxweynihii hore ee Somaliland, waxa uu carabka ku dhuftay in Umadda Soomaaliyeed, shacab iyo dowladba ay ka gilgisheen duullaankaas, waxa ayna madaxda Dowladda Federaalku ballanqaadeen in aaney wadahadal la geli doonin Itoobiya iyadoo aan si rasmi ah uga laaban heshiiskaas xadgudubka ku ah qarannimada Soomaaliyeed.
"Waxaa ayaandarro ah in Madaxweyne Xasan Sheekh uu gorgortan la galo Itoobiya oo weli ku adkeysanaysa is afgaradkii halista ku ahaa midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya. In Madaxweyne Xasan Sheekh uu wadahadal la galo Itoobiya iyadoo aan la laalin is afgaradkii sharcidarrada ahaa, Itoobiyana u ogolaado baddeenna, waa xadgudub hor leh oo lagula kacay qarannimada Soomaaliya oo Madaxweynaha dalku garwadeen ka yahay." ayuu yiri Kheyr.
Ra'iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa ku tilmaamay heshiiskii Somaliland iyo Itoobiya folkaano u aasan dadka iyo dalka Soomaaliyeed oo qarxi karta xilli waliba.
Kheyre ayaa ku taliyay si khatartaas looga gaashaanto in wadahadal kasta oo Itoobiya lala gelayo ay shardi u ahaadaa in ay heshiiskaas si rasmi uga laabato.
Kheyre waxa uu markale qoraalkiisa ku yiri "Waxaana Madaxweyne Xasan Sheekh ugu baaqayaa in aanu halistaas u hoosaasin dadka iyo dalka, gorgortan siyaasadeedna ku gelin qarannimada Soomaaliyeed, mudnaanta koowaadna siiyo daminta colaadaha iyo xiisadda siyaasadeed ee ka aloolsan gudaha dalka iyo adkeynta midnimada iyo wadajirka umadda oo maanta kala dhantaalan."