12/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 12, 2024
IGAD oo soo dhaweysay heshiiskii Ankara ee u dhaxeeyay Itoobiya iyo Soomaaliya
 

Khamiis, December, 12, 2024 (HOL) - Urur goboleedka IGAD ayaa soo dhaweeyay heshiiskii nabadeed ee lagu gaaray magaalada Ankara ee dalka Turkiga ee u dhaxeeya Itoobiya iyo Soomaaliya.

Xoghayaha fulinta IGAD, Workneh Gebeyehu ayaa bogaadiyay heshiiskii taariikhiga ahaa ee Ankara ee ay wada gaareen labada dal ee Bariga Afrika.

Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa heshiis ku gaaray magaalada Ankara ee dalka Turkiga, kadib wada-hadallo dhex-maray labada dowladood.

IGAD waxay hoosta ka xariiqday in heshiiskan uu muujinayo tallaabo wax ku ool ah oo loo qaaday dhanka xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee bulsho ee ka dhexeeya labada waddan, isla markaana uu muujinayo sida ay uga go’an tahay in si wadajir ah loo xalliyo arrimaha labada dhinac.

Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa ku heshiiyey go’aan wadajir ah oo lagu xallinayo khilaafkooda ka dhashay heshiiska badda ee Itoobiya la gashay Somaliland.

Madaxda Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa heshiis ku gaaray in khilaafkooda jiray sanad ku dhow lasoo afjaro  kaddib wadahadal saacado qaatay oo ka dhacay magaalada Ankara ee  dalka Turkiga.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shir jaraa’id oo ay ku qabteen magaalada Ankara ee caasimadda dalka Turkiga waxay ku shaaciyeen heshiis laga gaaray wada-hadalladii nabadeed ee Turkigu dhexdhexaadinayey.

Heshiiska ayaa qeyb ka ah in Soomaaliya ay u oggolaato Itoobiya gelitaanka dhul badeedkeeda badda Cas, iyadoo la ixtiraamayo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.