12/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 11, 2024
Jubbaland oo sheegtay iney soo bandhigeyso dalalka iska leh diyaarado Drone ah oo ka qeyb qaatay dagaalkii maanta
 

Arbaco, December, 11, 2024 (HOL) - Wasiir ku xigeenka Wasaaradda amniga maamulka Jubbaland Aadan Axmed Xaaji oo maanta shir jaraa'id u qabtay warbaahinta ayaa faahfaahin ka bixiyay dagaal maanta ciidanka Jubbaland iyo kuwa dowladda Fedaraalka ku dhaxemaray gobolka Jubbada Hoose.

Wasiirka ayaa sheegay in dagaalka maanta ka dhacay aaga Raas kambooni inuu yimid kadib markii ciidanka dowladda ay soo weerareen ciidankooda, islamarkaana ay dowladdu weerarkaasi u adeegsatay diyaarado Drone ah.

“Ciidanka dowladda maantu waxay adeegsanayeen diyaarado Drone ah, Drone-ta maanta naloo adeegsaday dowladaha iska leh waan garaneynaya waan soo bandhigeynaa” ayuu yiri Wasiir ku xigeenka Wasaaradda amniga maamulka Jubbaland Aadan Axmed Xaaji.

Wuxuu sidoo kale sheegay wasiir Aadan in ciidanka Jubbaland ay iska difaaceen weerarka maanta kaga yimid ciidanka dowladda Fedaraalka, isagoona xusay iney jab culus gaarsiiyeen ciidankii soo weeraray.

“Dadka Soomaaliyeed iyo caalamkaba waa inay ogaadaan dagaal xaq darro ah in nagula soo qaaday, Jubbalandna way is difaaceysaa, waana la jabiyay ciidankii weerarka soo qaaday, hada waxaa isa soo dhiibay horin ka mid ah ciidamadii Muqdisho laga keenay, waana lasoo dhaweeyay, si fiicana waa loola dhaqmay” ayuu yiri Wasiir Aadan Axmed.

Hadalkaan kasoo yeeray Wasiir ku xigeenka amniga Jubbaland ayaa imaanaya, iyadoo dowladda Fedaraalka Soomaaliya ay dhankeeda sheegtay in ciidamada Jubbaland ay weerar kusoo qaadeen saakay fariisimaha ciidanka xoogga dalka ee ku yaala nawaaxiga Raas kambooni.