12/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 11, 2024
Sheekh Shariif, Xasan Cali Kheyre iyo Cabdiraxman Cabdishakuur oo ku baaqay joojinta dagaalka Jubaland
 

Arbaco, December, 11, 2024 (HOL) - War saxaafadeed ay si wadajir ah usoo saareen Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Ra'iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Siyaasiga Mucaaradka ahna Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa si kulul u cambaareeyay hogaanka dalka inay ciidamada u adeegsanayaan qaab siyaasadeedsan.

War Saxaafadeedkoodi waxa ay ku yiraahdeen "Dalkeennu wuxuu ka soo kabanayaa colaad sokeeye, kala aaminbax bulsho iyo burbur dowladeed. Mabaadi'da dib u dhiska dowladnimada dalka iyo dastuurka ku meel gaarka ah waxaa ku cad in aan ciidanka loo adeegsan siyaasadda,Ciidanka dowladda federaalka ah ee la geeyey Raaskanbooni iyo kuwa daraawiishta Jubaland ee ay la dirirayaan waa wiilal Soomaaliyeed oo walaalo ah, kuwasoo ay ahayd in awooddooda ku wajahaan argagexisada Al-shabaab iyo cadawga kale ee qaranka Soomaaliyeed".

Sidoo kale madaxdan ayaa waxa ay ayaan darro wayn ku tilmaameen in  Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbadii ugu danbaysay ee uu Masjidka Madaxtooyada ka jeediyey ku caddeeyey in khilaafka isaga iyo Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe u dhexeeya uu yahay mid siyaasadeed oo la xariira arrimaha doorashooyinka, haddana ku adkaysto in uu khilaafka ku xalliyo awood ciidan iyo dagaal dhiig ku daato.

Ugu dambeeyn waxa ay mas'uuliyiintaan ay ku baaqeen in degdeg loo joojiyo dagaalka, khilaafkana miiska wada hadalka lagu xalliyo, lagana heshiiyo doorasho aan shaatigeeda cid gaar ah u tolnayn.

Saaka saacadihii ugu horeeyay Degaan u dhow Magaalada Raaskambooni waxaa ka qarxay dagaalka u dhaxeeya ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Jubaland, labada dhinac khasaare ayaa jira balse ma jiraan warar ka madax banaan labada dhinac ee xusaya khasaaraha kala soo gaaray ciidamadii wada dagaalamay.