12/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 10, 2024
Madaxweynaha Soomaaliya oo u duulay Turkiga si uu uga qeyb galo wejigii 3aad ee wadahadalada Itoobiya
 

Talaado, December, 10, 2024 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u safray magaalada Ankara ee dalka Turkiga, si uu uga qayb-galo wareegga saddexaad ee wada-hadallada lagu qaboojinayo xiisadda kala dhexeysa Itoobiya, sida ay sheegtay wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA.

Haddii uu sidoo kale kulanka ka qeyb galo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, waxa ay noqoneysaa markii ugu horeysay oo ay kulmaan labada mas’uul tan iyo markii Addis Ababa ay ku dhawaaqday in ay deked ka dhisanayso qeybo kamid ah badda Soomaaliya oo ay heshiis kula gashay maamulka Somaliland.

“Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u ambabaxay magaalada Ankara, kaddib casuumaad rasmi ah oo uu ka helay Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, waxaa dib u furmaya wejigii saddexaad ee wada-hadallada Soomaaliya iyo Itoobiya oo uu gar-wadeen ka yahay Turkiga.” Sidaa waxaa qortay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA X.

Saraakiisha Itoobiya iyo wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkiga ayaa diiday inay ka hadlaan arrintan.

Wajiga saddexaad ee wadahadalada Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa marar kala duwan dib u dhacay, sababa la xiriira xiisadda labada dal.

Soomaaliya ayaa Itoobiya maalmo ka hor ku eedeysay inay hub geysay magaalada Kismaayo, si ay usii huriso xiisadda dowladda Federaalka iyo maamulka Jubbaland.

Ethiopia weli kama jawaabin eedeymaha loosoo jeediyay, inkastoo maamulka Jubbaland uu beeniyay warkaas.