12/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 10, 2024
Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay Guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir
 

Talaado, December, 10, 2024 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wareegto uu maanta soo saaray ugu magacaabay guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir iyo Duqa Caasimadda Muqdisho  Maxamed Axmed Amiir, kaasoo badalaya guddoomiyahii hore ee gobolka iyo Duqii Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale.

Guddoomiyaha cusub ee uu magacaabay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la sheegay inuu yahay aqoonyahan kasoo shaqeeyay arrimaha dhaqaalaha, horumarinta bulshada iyo maamulka iyo maaraynta.

Madaxweynaha ayaa faray guddoomiyaha cusub inuu sii dhameystiro qorshayaasha horumarineed ee Caasimadda, isagoo mudnaanta siinaya horumarinta magaalada iyo gaarsiinta bulshada Caasimadda doorasho dadweyne.

"Xeerkan Madaxweyne ee lagu magacaabay Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho ayaa ku dhaqan galay saxiixa Madaxweynaha Jamhuuriyadda ee maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay Talaado, 10-ka Diseembar, 2024" ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxday Madaxtooyada Soomaaliya.

Ugu dambeyntio Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u rajeeyay guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Maxamed Axmed Amiir inuu Eebe u fududeeyo masuuliyadda culus ee loo igmaday, isagoona kula dardaarmay inuu si hufan oo daacadnimo iyo howlkarnimo leh ugu adeeggo bulshada Soomaaliyeed.

Magacaabista masuulkaan cusub ayaa kusoo aadaysa, iyadoo maalmahii lasoo dhaafay si weyn isku soo tarayeen wararka sheegaya in xilka laga qaadi doono guddoomiyahii gobolka Banaadir ahaana Duqii Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale oo ugu dambeyn maanta si rasmi ah xilkii looga qaaday.