Hiiraan Online
12/26/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Talaado, Dec 10, 2024
kulan dadweyne oo looga dooday Cutubka 9aad ee Dastuurka oo lagu qabtay Muqdisho
Talaado, December, 10, 2024 (HOL) - Waxaa Magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyay kulan dadweyna oo lagu gorfaynayay dib u eegista dastuurka waxaana si guud kulamadaan diirada loogu saaray Cutubka 9aad ee Dastuurka oo ka mid ah shanta cutub ee hadda maraya wajiga labaad ee latashiga Bulshada qeybaheedi kala duwan.
Sida ku cad Dastuurka KMG ee Soomaaliya Cutubka 9-aad wuxuu si gaar ah uga hadlayaa dhismaha nidaam garsoor oo madaxbannaan, hufan, oo loo dhanyahay, kaas oo udub dhexaad u ah nabadda, garsoorka iyo cadaaladda dalka.
Kulankaan dadweyne ayaa waxaa la isku dhaafsaday aragtiyo, doodo iyo tallooyin ku aaddan Cutubka 9aad oo ka hadlaya dhismaha nidaamka garsoorka, waxaana kasoo qeyb galayaasha kulankaan ay fursad u heleen inay su’aalo toos ah waydiiyaan, Gudoomiyaha Guddiga Madaxabanaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka Avv. Burhan Adan Omar, Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arr. Dastuurka Xasan Macalin Maxamuud iyo Senator Saciid Cabdi Xasan Cowke oo ah xoghayaha Guddiga Lasocodka Dastuurka ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Isku imaatinkaan dadweynaha waxaa si-wadajir ah u soo agaasimeen, Hay'adaha u Xil saaran dib-u-eegista Dasturka oo kala ah, Guddiga Madaxabannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka, Guddiga Lasocodka Dastuurka ee Baarlamaanka iyo Wasaaradda Caddaaladda iyo Arr. Dastuurka.
Kulama dadweynaha ee qabsoomay waxa uu qeyb ka yahay kulamada qeybaha kala duwan bulshada Soomaaliyeed lala yeelanayo si qof walba Soomaaliyeed fursad ugu helo inuu codkiisa qeyb ka noqdo dib u eegista dastuurka si hanaanka dib u eegista dastuurka u noqdo mid daahfuran oo loo dhanyahay.