12/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 10, 2024
Soomaali badan oo 3dii bilood ee lasoo dhaafay dib uga soo laabtay dalka Yemen
 

Talaado, December, 10, 2024 (HOL) - In ka badan 900 oo qaxooti Soomaali ah oo ku xayirnaa dalka Yemen ayaa dib ugu soo laabtay Soomaaliya saddexdii bilood ee ugu dambeysay, iyagoo taageero caalami ah ka helay Hay’add maxali ah iyo QM.

Hay’adda Field Medical Foundation (FMF) ayaa qoraal ay soo dhigtay barteeda twitter-ka ku sheegtay in 958 qof oo Soomaali ah ay dib ugu celisay dalkooda tan iyo bishii Sebtembar, iyadoo taageero ka helaysa hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR.

Waxay intaas ku dartay in qaxootigaan ay ku soo noqdeen 7 safar oo badda ah iyada oo la raacayo qaab dhismeedka barnaamijka dib usoo celinta Qaxootiga oo ay taageereyso Hay’adda arrimaha qaxootiga u qaabilsan QM ee UNHCR.

Yemen waa dalka kaliya ee Jaziirada Carabta ka tirsan ee saxiixay Axdiga Qaxoontiga iyo Habmaamuuska, wuxuuna martigeliyay qaxootiga ugu badan ee Soomaalida ah ee dalkoodi uga carartay dhibaatooyinka dagaaladii sukeeye ee dalka.

Dowladda Soomaaliya ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxa ay waday tallaabooyin ay dib ugu soo celinayso Soomaaliya qaxootiga Soomaalida ee ku dhibaateysan wadamada qaar sida Sudan iyo Libya.