12/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 1 , 2024
Wasaarada Caafimaadka Somaliland oo Qaadacday Xog uu Isbigaalka Guud ee Hargaysa kaga Hadlay cudurka AIDS-ka
 

Axad, December, 1, 2024 (HOL) - Wasaarada Caafimaadka Somaliland ayaa beenisay xog uu soo saaray Isbitaalka Guud ee Hargaysa, oo sheegaysay in tiro aad u badan oo dad ah uu xanuunku soo ritay sannadihii u danbeeyay.

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Caafimaadka D.R. Maxamed Cabdi Xergeeye oo hadal ka jeediyay munaasibad lagu xusayay Maalinta Caalamiga ah ee Xuska AIDS-ka, ayaa sheegay in 0.15% kali ah oo kamid ah shacabka Somaliland uu hayo cudurku, tiradaasi oo hoos u sii dhacaysay sannadihii u danbeeyay.

Waxa uu beeniyay warbixinta oo uu isbitaalku ku sheegay in laga soo bilaabo 2004 ilaa 2024 ay dad dhan  3,206 uu xanuunku soo ritay, kuwaasi oo  2,481 kamid ah loo bilaabay dawooyin halka 725 kamid ahi aanay dawo qaadan sababo iyaga u gaar ah awgeed.

Sidookale warbixinta isbitaalka waxa kamid ahayd in ay sannadkan ka  baadheen cudurka HIV-AIDS dad gaadhaya 714 qof, halka laga helay xanuunka 103 qof (64 dumara iyo 39 Rag ah).

"Waxan halkan ka caddaynayaa in anay dadku sas ka qaadin xogtaa soo baxday, oo ahayd xog si qalad ah usoo baxday, isbitaalkuna aanu runtii xaq u lahayn in uu soo saaro" ayuu yidhi Agaasime Xergeeye.

Wasaarada Caafimaadka ayaa horay ugu gacansaydhay warbixin uu sarkaal booliis ahi ku sheegay in ay kordhayso tirada dadka ee qaadaya cudurka.