10/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 16, 2024
Wasaaradda Maaliyadda oo ganacsatada fartay inay dhaqan galiyaan canshuurta iibka ee badeedacaha iyo adeegyada
 

Jimco, Agoosto, 16, 2024 (HOL) - Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa amar ku bixisay in 18-ka bishaan dhammaan xarumaha ganacsiga ay dhaqan galiyaan canshuur dhan 5% ah oo laga qaadayo macaabiisha ka gata badeecadaha ama adeegyada.

Awaamiirtan cusub ayaa qeyb ka ah dadaallada ay dowladdu ku dooneyso in lagu casriyeeyo habka aruurinta canshuurta iibka, iyadoo ujeedadu tahay in la xoojiyo dakhliga gudaha.

Sida ay sheegtay Wasaaraddu, hindisahan ayaa muhiim u ah in dalka uu si madax bannaan u maalgeliyo adeegyada muhiimka ah oo ay ka mid yihiin bixinta mushaaraadka shaqaalaha dowladda iyo ciidamada xoogga dalka, iyadoo aan lagu tiirsaneyn deeqaha dibadda laga keeno.

War-saxaafadeed ay dawladdu soo saartay ayay ku muujisay sida ay ugu guulaysatay bixnta mushahaarka 6,000 oo macalimiin ah oo la shaqaalaysiiyay labadii sano ee la soo dhaafay.

Wasaaradda maaliyadda waxay sheegtay in guushan  loo arkaa tallaabo loo qaaday isku-filnaashaha maaliyadeed, waxayna hoosta ka xariiqday sida ay dowladda uga go'an tahay bixinta adeegyada muhiimka ah, sida horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha.

Wasaaraddu waxa ay sidoo kale carrabka ku dhufatay muhiimada ay leedahay in kor loo qaado daah-furnaanta iyo isla xisaabtanka hanaanka canshuur uruurinta.

Waxay u xaqiijisay muwaadiniinta in canshuuraha la qaado si toos ah loogu shubi doono khasnadda dowladda, iyadoo la doonayo in Soomaaliya loo dhiso dhaqaale xooggan oo ay isku filnaato.