10/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 12, 2024
Soomaaliya iyo Ethiopia oo weli isku mari la' shirka uga socda magaalada Ankara
 

Isniin, Agoosto, 12, 2024 (HOL) - Sida aan wararka ku helayno wafuud ka kala socota Soomaaliya iyo Ethiopia oo uu wada hadal uga socdo magaalada Ankara ee dalka Turkiga, ayaan weli ku guulaysan inay gaaraan wax heshiis ah oo lagusoo afjarayo xiisadda ka dhex taagan labada dal oo ka dhalatay heshiiska marin biyoodka ee  Ethiopia ay la gaartay Somaliland.

Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Hakan Fidan oo dhex dhexaadinaya labada dhinac, ayaa shirka ku sugan, waxaana wararka aan helayno ay tilmaamayaan in waxyaabaha la isku mari la’yahay ay kamid yihiin, sida ay Ethiopia galaangal ugu yeelanayo biyaha Soomaaliya.

Ergada Soomaaliya ayaa ka dalbaday Ethiopia inay heshiiskaas ka noqoto, kaddibna ay labada dal gaaraan heshiis cusub oo ay damaanad ka tahay dowladda Turkiga.

Doodda ayaa lagu soo waramayaa inay qaadan karto waqti ka badan wareegii hore ee shirka, iyadoo dowladda Turkiga ay isku dayeyso inay soo afjarto xiisadda, islamarkaana dhinacyadu ay gaaraan heshiis rasmi ah.