10/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 9 , 2023
Diyaaradaha dagaalka dowladda Kenya oo duqeymo ka geystay deegaano hoostaga degmada Ceelwaaq

Sabti, September, 9, 2023 (HOL) - Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in Xalay duqeymo ay ka geysteen diyaaradaha dagaalka dowladda Kenya deegaano hoostaga degmada Ceelwaaq.

Diyaaradaha dagaalka dalka Kenya ayaa lasoo warinaya in duqeymaha Xalay ay ku garaaceen deegaanada kala ah Khadiijo Xaaji iyo Faxfax dhuun oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

Lama oga wali khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay duqeymaha ay diyaaradaha Kenya ka geysteen deegaanadaan hoostaga Ceelwaaq, hayeeshee waxay saameyn ku yeesheen dadka deegaanadaasi oo u badan Xoolo dhaqato.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka dowladda Kenya iyo maamulka Gedo oo ku aadan duqeymaha Xalay diyaaradaha Kenya ka geysteen deegaanada hoostaga Ceelwaaq, hayeeshee dowladda Kenya waxay sheegta in duqeymaha diyaaradaheeda dagaalka ay ka fuliyaan gobolka Gedo iney la beegsato kooxda Al-shabaab.

Duqeymaha saacadahii lasoo dhaafay diyaaradaha Kenya ay ka fuliyeen deegaanada Khadiijo Xaaji iyo Faxfax dhuun ayaa kusoo beegmaya, iyadoo mudooyinkii dambe Kenya ay yareysay duqeymahii sida joogta ah uga geysan jirtay deegaanada kala duwan ee gobolka Gedo.