10/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 7 , 2023
Qarax ay ku dhinteen hooyo iyo caruur ay dhashay oo ka dhacay deegaanka Ceel lahelay

Khamiis, September, 7, 2023 (HOL) - Wararka ka imaanaya duuleedka deegaanka Ceel lahelay ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in hooyo iyo laba caruur ah oo ay dhashay ay ku dhinteen qarax miino oo lagu qariyay gurigooda.

Qaraxa ayaa sidoo kale waxaa ku dhaawacmay laba ruux oo isla qoyskaas ah, waxaana halkaasi dhaawacooda kasoo qaaday ciidanka dowladda fedaraalka oo gurmad u sameeyay.

War kooban oo lagu baahiyay Warbaahinta qaranka ayaa lagu sheegay in qaraxa miino ee waxyeelada dhimashada iyo dhaawaca u geystay qoyskaan in kooxda Al-shabaab ay ku qariyeen guriga qoyskaan dhibaatadu gaartay.

Shalay ayay aheyd markii ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya ay la wareegeen gacan ku heynta deegaankaan oo Al-shabaab ay gacanta ku heysay mudooyinkii dambe.

Inta badan deegaannada Al-shabaab laga saaro waxaa loogu tagaa qaraxyo miino oo wadooyinka la galiyay iyo kuwa guryo lagu qariyay, waxaana qaraxyadaasi mararka qaar waxyeelo kasoo gaarta dad shacab ah oo ku safraya wadooyinka.