10/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 4 , 2023
Fannaankii weynaa Axmed Naaji Sacad oo ku geeriyooday magaalada London

Isniin, September, 4, 2023 (HOL) - Waxaa caawa magaalada London ku geeriyooday Allaha u naxariistee, fannaankii weynaa ee Soomaaliyeed, Axmed Naaji Sacad, oo kamid ahaa tiirarka uu lahaa Fanka Soomaaliyeed.

Geeridiisa waxaa xaqiijiyay wiilkiisa Yaxye Axmed-Naaji. Alfannaan Axmed-Naaji waxuu kamid ahaa fanaaniinta taariikhda weyn ku lahaa masraxa fanka iyo suugaanta Soomaalida.

Sida diiwaanka taariikhdiisa ku xusan, sannadkii 1939 ayuu ku dhashay degmada Shibis ee magaalada Muqdisho, taasoo xilligaas la odhan jiray Bilaajo Carab.

Tan iyo burburkii kaddib, fannaanku wuxuu kamid ahaa fannaaniinta dalka aan kusoo laaban wax badan, marka laga reebo marar kooban oo uu dalka yimid. sanadkii 2011 ayaa ugu dambeysay mar uu socdaal ku tagay Sooamaliya.

Sannadkii 1962kii ayay ahayd markii si rasmi ah Axmed Naaji loogu qoray inuu ka heeso Radio Muqdisho, waxaana lagu qaatay hees Banaadiri ahayd oo la odhan jiray “Wuu ahaaday adduunkan.”

Fannaanku waxa uu ku soo baxay barnaamij maalin kasta oo Axad ah bixi jiray oo la odhan jiray “Lugo-baxsi” oo idaacadda Radio Muqdisho fannaaniinta ku tartansiin jiray.