10/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 4 , 2023
Yuusuf Maddaale: Madaxweynaha oo ku sugan furimaha dagaalka, inaan gudaha joogno macno ma sameynayso
 

Isniin, September, 4, 2023 (HOL) - Duqa magaalada Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Maddaale) ayaa ugu baaqay shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho in ay si firfircoon uga qeyb qaataan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab isagoo dhanka kale digniin culus u diray dadka ka baqaya Shabaab.

Duqa Muqdisho ayaa ku nuux-nuux saday in Al-Shabaab ay dib uga soo cusboonaatay magaalada Muqdisho oo ay carqaladeyn doonto nabadda iyo nolosha magaalada. Natiijo ahaan, wuxuu ku booriyay dhammaan dadka deegaanka, iyadoon loo eegayn da'da, jinsiga, shaqada, ama asalka, inay u diyaar garoobaan ka hortagga khatarta.

“Haddii cadowgu ku soo laabto Muqdisho, nabadda ayaa khalkhal geli doonta, taasina waxay keenaysaa in dhammaanteen aan u diyaargarowno sidii aan isaga horkeeni lahayn - dhallinyaro iyo waayeel, rag iyo dumar, culimo, aqoonyahanno - qof walba waxaa laga rabaa inuu dagaalka ku soo biiro,. Duqa magaalada Muqdisho, Maddaale ayaa sidaas yidhi.

Maddaale waxa uu soo saaray digniin culus oo uu ku sheegay in dowladdu ay wax ka qaban doonto dadka ka baqa Al-Shabaab, isla markaana diida inay ku biiraan dagaalka ka dhanka ah kooxaha jiritaankooda qatarta ku ah.

Duqa magaalada ayaa sidoo kale sheegay in aysan wax macno ah sameyneyn in Madaxweynaha uu ku sugan yahay furimaha hore ee dagaalka halka kuwa kalena ay joogaan gudaha. Waxa uu sheegay in isaga iyo gudoomiyaasha kale iyo maayarrada kale ay ku biiri doonaan ciidamada jiidda hore si ay howlgallada u hoggaamiyaan.

Arintaan ayaa kusoo beegmeysa xilli wasiirro iyo Xildhibaano ka tirsan dowlada ay ku sugan yihiin deegaanadii dhawaan laga saaray ciidamadaasi.

Madaxweynaha iyo qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyada ayaa sidoo kale safka hore kaga jira dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, iyagoo abaabul iyo dhiiri gelin u sameynaya ciidamada Dowladda iyo kuwa deegaanka ee ka qeyb qaadanaya howlgallada ka dhanka ah Alshabaab.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa u diyaar garoobeysa wajigii labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab