10/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 30, 2023
Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan kula qaatay Dhuusamareeb siyaasiyiinta mucaaradka Koonfur Galbeed

Sabti, September, 30, 2023 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda gobolka Galgaduud ku qaabilay guddoomiyaashii hore ee Golaha Shacabka iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah ee kasoo jeeda deegaanada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Xubnahaa siyaasiyiinta ee kasoo jeeda Koonfur Galbeed ayaa galinkii hore ee maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb, kuwaas oo madaxweyne Xasan Sheekh la wadaagay xaalada siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan tan deegaanada maamulka Koonfur Galbeed.

Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa sidoo kale madaxweynaha u jeediyay tallooyin ku aaddan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, iyagoona madaxweynaha u sheegay iney ku garab taagan yihiin dagaalka dalka looga xureynayo kooxda Al-shabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhankiisa la wadaagay guddoomiyaashii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo siyaasiyiinta  guulaha muhiimka ah ee laga gaaray dagaalka dalka looga xureynaayo kooxda Al-shabaab, isagoona tilmaamay in lagama maarmaan ay tahay in loo midoobo sidii waqti kooban dalka looga saari lahaa Al-shabaab.

Wuxuu sidoo kale tilmaamay madaxweynaha in caqabad kasta looga gudbi karo midnimo, isu tanaasul iyo wadatashi la xariira arrimaha lagu kala aragtida duwan yahay, si loo gaaro Soomaaliya xor ka ah waxa loogu yeero argagixisada, sida lagu shaaciyay qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.

Masuuliyiintaan maanta madaxweyne Xasan Sheekh kula kulmay Dhuusamareeb ayaa dhamaantood u sharaxan xilka madaxtimada maamulka Koonfur Galbeed, waxaana lagu wadaa in maalmaha soo socda ay gaaraan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay sida ay horay u shaaciyeen xubnahaan siyaasitiinta ee mucaaradka ku ah madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen.