10/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 15, 2023
Alshabaab oo weerar ku qaaday degaanka Ceel la helay ee gobolka Galgaduud

Jimco, September, 15, 2023 (HOL) - Ururka Alshabaab ayaa galabta weerar culus kusoo qaaday degaanka Ceel la helay ee gobolka Galaduud, halkaas oo maalmo ka hor ay la wareegeen ciidanka xoogga dalka.

Isgaarsiinta ayaa hawada laga saaray, waxaana Shabaabku weerar kusoo qaadeen saldhig ay ciidanka xoogga dhawaan ka sameysteen duleedka degaanka Ceel la helay.

Illaa iyo hadda macluumaad sugan lagama hayo dagaalka oo weli socda, hase ahaatee kooxda Alshabaab waxay dhankooda sheegayaan inay la wareegeen saldhigga ay soo weerareen iyo guud ahaan degaanka Ceel la helay.

Illaa iyo hadda dowladdu kama hadlin weerarkan, xilli madaxweyne Xasan Sheikh uu ku sugan yahay magaalada Dhuusomareeb ee caasimadda Galmudug.

Dhowr maalmood ka hor waxaa degaankan ku sugnaa wasiirka gaashaandhigga, Cabdulaadir Nuur,  madaxweynaha Galmudug Qoorqoor iyo taliyaha hay’adda nabad sugidda ee NISA.