10/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 15, 2023
Xildhibaano katirsan labada aqal oo war murtiyeed kasoo saaray socdaal ay ku tageen magaalada Laascaanood

Jimco, September, 15, 2023 (HOL) - Xildhibaano ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka oo booqasho ku tagay magaalada Laascaanood, ayaa xaqiijiyay in magaaladu tahay nabad iyo xasilooni, iyagoo ugu baaqay hay’adaha samafalka inay ka howlgallaan.

War saxaafadeed ay soo saareen ayay ku sheegeen intii ay joogeen magaalada Laascaanood in aanay ku arag wax qalqal amni ah, ama arrimo argigixisinimo, iyagoo sheegay maamulka SSC- Khaatumo inuu si buuxda ugu guulaystay nabada iyo xasilinta bulshada.

Xildhibaanada labada aqal waxay baaq nabadeed u direen Somaliland, si looga fogaado colaad dambe oo uu dhiig ku daato. Waxay sidoo kale Dowladda federaalka ugu baaqeen inay doorka ka qaadato ka hortagga colaad dambe oo ka dhacda magaalada Laascaanood.

Dhawaan, Somaliland ayaa sheegay in magaalada Laascaanood ay soo galeen illaa 600 askari Shabaab ah oo uu horkacayo sarkaal lagu magacaabo Fu’aad Shangole.