10/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 11, 2023
Somaliland oo sheegtay in ay waxbarashada bilaash uga dhigayso shacabka ka barakacay Laascaanood
 

Isniin, September, 11, 2023 (HOL) - Wasiiro ka tirsan xukuumada Somaliland oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in dadka ka barakacay magaalada Laascaanood ay si bilaash ah u dhigan karaan dhamaan heerarka kala duwan ee waxbarashada, waxa kale oo ay ka digeen in la faquuqo shacabka Laascaanood.

"Ardayda degmada Laascaanood daganaan jirtay ee degmooyinka kale u guuray, in wax barashadoodu ay lacag la'aantahay, oo dugsiga iyo goobaha kale ee waxbarashada ay lacag la'aan ku dhigan doonaan, ilaa inta ay ku laabanayan degmada Laascaanood" Wasiirka Waxbarashada Axmed Maxamed Diiriye Toorno ayaa sida yidhi.

Wasiiradu sidookale waxay ka digeen in wax faquuq ah loo gaysto bulshada asal ahaan kasoo jeeda magaalada Laascaanood ee ku dhaqan gobolada iyo degmooyinka Somaliland.

"Dalka waa la wada leeyahay, qofkasta oo ku kaca fal kasoo horjeeda iyaga ku kacana ciidanka ilaalada amniga waxaanu faraynaa, in ay gacan bir ah ku qabtaan" Wasiirka Wasaarada Beeraha Axmed Muumin Seed ayaa sida yidhi.

Waxa uu sheegay in dad qurba joog ah oo ah oo uu ku eedeeyay in ay hore Laascaanood qalalaasaheeda uga qaybqaateen, ay hadana bilaabeen in ay cabsi galiyaan shacabka reer Laascaanood ee ku nool magaalooyinka Hargaysa kamid tahay.

Wasiirka Wasaarada Tignoolayiyada Cabdiwali Cabdillaahi Suufi ayaa sheegay in dad u jeedooyin lihi ay baraha bulshada ku baahinayaan muuqaalo been abuur ah oo la rabo in cabsi iyo colaad lagu dhexdhigo shacabka Laascaanood iyo shacabka kale ee Somaliland.