10/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 1 , 2023
4 Injineer oo loo xiray khasaarihii ka dhashay dhismayaashii dumay ee kuyaalay degmada Howlwadaag
 

Jimco, September, 1, 2023 (HOL) - Maamulka gobolka Banaadir ayaa  4 Injineer u xiray khasaarihii dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay labo dhisme oo dabaq ah oo habeen hore soo dumay, kuwaas oo kuyaalay degmada Hawlwadaag.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir, Saalax Dheere  ayaa sheegay, maamulka gobolka Banaadir inuu guddi baariseed u saaray dhacdadan, si ay warbixin dhameystiran uga keenaan sababta keentay burburka dhismaha.

Afhayeenka wuxuu sheegay in la xiray 4 kamid ah injineerada gacanta ku hayay dhismahan, kuwaas oo loo haysto inay masuul ka yihiin dhibaatada dhacday, wuxuuna sheegay in lala xisaabtami doono oo sharciga la horgayndoono.

Saalax Dheere wuxuu sheegay maamulka gobolka Banaadir inuu soo saaridoono habraacyo lagu maamuli doono injineerada iyo shirkadaha ka shaqeeya dhismayaasha, si looga hortago dhibaatadan inay mar kale soo laabato.

afhayeenku wuxuu sheegay in aan la isaga haridoonon in dad shacab ah ay u geeriyoodaan farsamo xumo iyo aqoon darro ay sameeyeen dadkii masuulka ka ahaa dhismayaasha dumay.

Si kastaba ha ahaatee, hooyo iyo gabadheeda ayaa ku geeriyootay burburka ka dhashay labada dhisme ee soo dumay. waxay degenaayeen guri ku hoos yaalay dhismaha soo dumay.