10/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 1 , 2023
Somaliland oo sheegtay in lagu xadgudbay maxaabiisteeda ku xidhan Laascaanood

Jimco, September, 1, 2023 (HOL)- Somaliland ayaa sheegtay in si arxan daro ah loola dhaqmay askarteeda dagaalkii Jimcihii hore lagu qabtay, ee ku xidhan magaalada Laascaanood.

Qoraal lagu baahiyay mareegta Wasaarada Arrimaha Dibada Somaliland, ayaa lagu sheegay in baraha bulshada ay qabsadeen sawiro iyo muuqaalo muujinaya askar dhibaato loogaysanayo.

"Maalmihii lasoo dhaafay muuqaalo iyo sawiro muujinaya askar Somaliland ah, oo si daran loo jidhdilayo, qudha laga jarayo, iyo maydad la bahdilayo, ayaa lasoo galiyay baraha bulshada" ayaa lagu yidhi qoraalka.

Somaliland beesha caalamka ayay ugu naaqday in ay arrinta ka hadasho, oo qolada maxaabiista haysa ay u sheegto in ay ula dhaqmaan si waafaqsan sharciyada caalamiga ah.

Hoggaamiyaha Golaha fulinta ee SSC Khaatumo Cabdiqaadir Axmed Aw Cali Firdhiye, ayaa dhankiisa sheegay in maxaabiista si wanaagsan loola dhaqmay.

"Maxaabiistii la qabtay waxaa laysla gartay in si wanaagsan loola dhaqmay, waxaan filayaa ciidamada amiga iyo kuwa jeelashu in ay ilaaliyaan amniga maxaabiista" ayuu yidhi Firdhiye.

Dhanka kale, Garaad Mukhtaar Garaad Cali Buraale, ayaa isna bartiisa Twitterka ku sheegay in ay jiraan dad duubaya muuqaaalo aan qalbiga iyo indhaha aadamaha u fiicnayn.

"Halgankii waa ku guul dareysaney, ciidamadeenii guusha ay inoo soo hooyeen, waxa ka daba yimid kuwo duubaya muuqaalo isha iyo qalbiguba diidayaan. Ogow in muuqaalkastaa la mid yahay madfac ama hoobiye lanagu soo tuurey, ciidanka lagu soo tuurey, maatada lagu soo tuurey" ayu yidhi Garaadku.

Dagaalkii Jimcihii ka dhacay duleedka Laascaanood, ayaa Somaliland lagaga saaray saldhigyo muhiim ah, iyadoo laga qabtay gadiid, hub iyo maxaabiis.