10/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 5 , 2023
Kenya oo shaacisay xilliga ay ciidamadeeda kala baxayso gudaha Soomaaliya
 

Khamiis, October, 5, 2023 (HOL) - Wasiirka Difaaca Kenya Aadan Ducaale ayaa sheegay in ciidamada Kenya ay ka baxayaan Soomaaliya  bisha December ee sanadka 2024-ka markaas oo dhammaan dalalka ciidamada ugu deeqay howlgalka nabad ilaalinta ay ka baxayaan Soomaaliya.

Ducaale, oo ka soo hor muuqday fadhiga guud ee senate-ka si uu uga jawaabo su’aalaha senate-ka, ayaa sheegay in ka bixitaanka ciidamada KDF ay ku xiran tahay dhowr arrimood oo ay ka mid yihiin horumarka howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) iyo xaaladda amni iyo siyaasadeed ee dalka ka jirta.

Waxa uu u sheegay Senatka in uu socdo istaraatiijiyad dhimista ATMIS, taas oo ujeedkeedu yahay in si tartiib tartiib ah mas'uuliyadaha amniga loogu wareejiyo Ciidamada Ammaanka ee Soomaaliya.

Wuxuu sheegay Kenya oo ay weheliyaan dalalka ciidamada ka joogaan Soomaaliya iyo saaxiibada caalamiga ah, inay si firfircoon ugu hawlan yihiin sidii ciidamada Soomaaliya looga taageeri lahaa tayeynta. si loo xaqiijiyo kala-guurka amniga.

Wasiirka difaaca Kenya ayaa sheegay, in  dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya ay diyaar u yihiin inay saaraan 3,000 askari, kuwaasoo Kenya ay la baxayso 754 askari wajiga 2-aad iyadoo wajiga 3-aad uu bilaabanayo 1-da Oktoobar ilaa 30-ka June 2024, halkaasoo wadar ahaan ay ku bixi doonaan 4,000 askari.