10/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 8 , 2023
Kenya oo sagootin u sameysay safiirkii Soomaaliya ee Nayrobi Ambassador Tarsan
 

Arbaco, November, 8, 2023 (HOL) - Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Kenya ayaa waxay sagootin u sameysay Danjire Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan), oo soo dhameystay mudadii uu ahaa Safiirka Dowladda Federalka Soomaaliya ee u fadhiyay Kenya.

Dr. Abraham Korir Sing’Oei, oo ah Xoghayaha Golaha Wasiirada Kenya ee Arrimaha Dibadda, iyo sidoo kale mas’uuliyiin kale iyo xubno ka tirsan diblomaasiyiinta Kenya, ayaa ka qeyb galay xafladda lagu sagootinayay Tarsan.

Danjire Tarsan ayaa tan iyo sanadkii 2018 soo ahaa safiirka Soomaaliya ee Kenya. Dowladda Kenya ayaa ku ammaantay inuu door muhiim ah ka qaatay horumarinta xiriirka labada dal.

Dr. Sing’Oei ayaa uga mahadceliyey danjire Tarsan ka qayb qaadashada horumarinta xiriirka Kenya iyo Soomaaliya. Waxa uu sidoo kale muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay Danjire Nuur ka go'naanshihiisa shakhsi ahaaneed ee nabadda iyo xasilloonida Geeska Afrika."

Ambasaddor Tasan wuxuu rajo wanaagsan ka muujiyay in xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya uu sii balaarto mustaqbalkana uu horumar gaaro. Waxa uu sidoo kale sheegay in uu waligiis ahaan doono saaxiibka Kenya.

Dowladda Soomaaliya ayaa lagu wadaa in ay dhawaan safiir cusub usoo magacowdo dalka Kenya, si uu u beddelo safiirka shaqada haatan sii faarujinaya ee Tarsan.