1/20/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 21, 2023
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo saxiixay 8 sharci oo muhiim ah

Talaado, Maarso, 21, 2023 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa munaasabad ka qabsoomtay gudaha Madaxtooyada Soomaaliya waxa uu ku saxiixay ilaa sideed sharci oo ay horay u ansixiyeen labada Gole ee Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa dhinacyadiisa taagna marka uu saxiixayay sharciyadaan muhiimka ah guddoomiyaasha labada Gole ee Baarlamaamka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe, Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Raysal wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale sheegay in hindise sharciyeedyadaan uu saxiiyay ay yihiin kuwa muhiim u ah dalka, kuwaas oo kala ah kuwa ku xusan qeybta hoose.

 1. Sharciga La-dagaallanka Argagixisada
 2. Sharciga Dhismaha Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed,
 3 .Sharciga  Socdaalka,
 4. Sharciga Dhowrista Xogta Dadweynaha
 5. Sharciga Nidaamka Lagu Hagayo Kheyraadka Dhulka Hoostiis,
 6. Sharciga Dhowrista Maalgashiga iyo Maalgashadayaasha,
 7. Sharciga Aqoonsiga Iyo Diiwaangelinta Dadweynaha.
 8. Sharciga Horumarinta iyo Maareynta Kalluumeysiga Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan ayaa ku bogaadiyey guddoonka labada Aqal iyo mudanayaasha Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya sida ay u dardar geliyeen ansixinta sharciyadaan oo aas aas u ah dowladnimada Soomaaliyeed iyo hirgelinta nidaam ku saleysan sharci iyo dowladnimo casri ah.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ku amaanay Golaha Xukuumadda Fedaraalka iyo khubarada Soomaaliyeed soo diyaarinta shuruucdan, waxuuna tilmaamay in ay taariikh cusub u tahay dowladnimada Soomaaliyeed, maadaama ay yihiin sharciyadii ugu badnaa ee muddo kooban lagu ansixiyo, taas oo muujinaysa muhiimadda wadashaqeynta Hay’adaha dowladda Soomaaliya.