10/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 15, 2023
Faysal Cali Waraabe: Dani ciidamada ka qaada ayuu yidhi Laascaanood, ka qaadi maynee balanteenu waa Yoocada
 

Khamiis, Juun 15, 2023 (HOL) - Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, oo u jawaabay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdillaahi Dani, ayaa sheegay in ciidanka Somaliland aan Laascaanood laga qaadi doonin.

Guddoomiyaha oo ka jawaabay hadalkii Dani ee ahaa "Somaliland ciidankeeda haka qaado Laascaanood", ayaa sheegay in ciidanka Somaliland aan la qaadayn in ay sii socdaan mooyee.

"Dani ciidamada ka qaada ayuu yidhi Laascaanood, ka qaadi maynee balanteenu waa Yoocada, hadad joogi waydana waa inoo Garoowe" ayuu yidhi Faysal.

Waxa uu sheegay in dhibaatada Laascaanood ka dhacday uu Dani masuul ka yahay, isla markaana Laascaanood ay ka nolol fiicnayd Garoowe iyo Boosaaso lakiin, uu dadkeedii barakiciyay.

Waxa uu dadka reer Laascaanood ugu baaqay in ay nabada qaataan, waxaanu sheegay in anay jirin faa'iido ay dadka Laascaanood ka heli karaan maamulka Puntland, sida uu hadalka u dhigay.