10/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 15, 2023
Puntland oo ku eedeysay dowladda federalka inay caburin ku hayso shacabka Gedo
 

Khamiis, Juun 15, 2023 (HOL) - Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay inay walaac weyn ka muujinayaan xaaladda amni iyo midda siyaasadeed ee ka jirta gobolka Gedo ee maamulka Jubbaland.

Madaxweyne Deni waxa uu nasiib darro weyn ku tilmaamay in dowladda federalka u caburinayso gobolka Gedo, wixii iyagu ay uga diideen dowladdii hore ee Soomaaliya.  taasoo uu sheegay inay cuna qabateen kusoo rogtay shacabka Gedo.

“Waxaan ka xunnahay walaaca isisoo taraya ee gobolka Gedo. Waxaa nasiib darro ah in dowladda u caburinayso gobolka Gedo, wixii ay horey uga diideen dowladdii hore ee Soomaaliya,” ayuu yiri Deni.

Deni wuxuu ku baaqay in Jubaland dib u hehsiisiin dhameystiran laga sameeyo, si xal buuxa looga gaaro xiisadaha ka jira gobolka Gedo.

Hadalkan ayuu madaxweyne Deni ka sheegay furitaanka kalfadhigga 52-aad ee barlamaanka Puntland.