10/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 11, 2023
Guddoomiyihii Golaha Wakiilada Somaliland oo is casilay
 

Axad, Juun 11, 2023 (HOL) - Guddoomiyihii Golaha Wakiilada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed ayaa iska casilay xilkii guddoomiyenimo xili dacwad ka dhan ah loo gudbiyay maxkamada sare.

"Waxaan iska casilay xilkii Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliland, xubinimadii golaha iyo xibigii Waddani" ayuu yidhi Khaliif oo warbaahinta kula hadlay magaalada Laascaanood.

Waxa uu taageeray bayaankii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, wuxuuna cambaareeyay jawaabtii ay somliland ka bixisay, isaga dhinaca kalena sheegay in madaxda Somaliland lagula xisaabtami doono dhibaatada ka dhacday Laascaanood.

Waxa uu u mahadceliyay dowlada federaalka, maamulka Puntland, cuqaal, beelo, saxafiyiin, dad baraha bulshada ka caan ah iyo xubno ka tirsan baarlamaanka Somaliland oo uu sheegay in ay taageero u muujiyeen reer Laascaanood.

Khaliif ayaa sidii uu golaha uga tagay bilowgii dagaalka Laascaanood aan dib ugu soo noqon caasimada Hargaysa, isaga oo Somaliland kaga soo horjeestay dagaalka Laascaanood, sheegayna in uu la fikiryahay garaadada.

Hadaba, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Somaliland ayaa maalmo ka hor dacwad ka dhan ah Khaliif u gudbiyay maxkamad sare, isla markaana golaha wakiilada ayaa labadii maalmood ee u danbaysay u fadhiyay in ay go'aan ka qaataan dacwada iyo masiirka guddoomiyaha.

Khaliif ayaa kasoo baxay xisbiga Waddani isaga oo hogaaminta golaha loolan adag kula galay Xildhibaan Faratoon oo ay isku deegaanyihiin kana soo baxay xisbiga Kulmiye.