10/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 9 , 2023
Mareykanka oo sheegay inuu duqeyn ku dilay 10 ka mid ah dagaalamayaasha Al-shabaab
 

Axad, Luulyo, 9, 2024 (HOL) - Taliska ciidanka Mareykanka Afrika ee loo yaqaano AFRICOM ayaa shaaca ka qaaday in sadax duqeyn oo is difaacid ah la beegaadeen xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab.

Qoraalka kasoo baxay howlgalka Militariga AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeynta ay timid kadib codsi kaga yimid dowladda Soomaaliya.

Duqeynta ayaa AFRICOM waxay sheegtay iney ka dhacday nawaaxiga degmada Afmadoow ee gobolka Jubbada Hoose, kadib dagaal halkaasi ku dhexmaray ciidanka dowladda iyo kuwa Al-shabaab saacadahii lasoo dhaafay.

Warka kasoo baxay howlgalka AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeymahaasi lagu dilay 10 ka mid ah dagaalamayaasha Al-shabaab, islamarkaana aysan jirin dad shacab ah oo wax ku noqday duqeymahaas.

Warkaan kasoo baxay howlgalka Militariga Mareykanka ee AFRICOM ayaa imaanaya, iyadoo Maanta dowladda Soomaaliya ay shaacisay in howlgal ka dhacay nawaaxiga degmada Afmadoow lagu dilay 40 ka mid ah dagaalamayaasha kooxda Al-shabaab.