10/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 27, 2023
Ruushka iyo Soomaaliya oo kala saxiixday heshiis dayn cafin ah oo gaaraya $684 milyan
 

Khamiis, Luulyo, 27, 2023 (HOL) - Dowladda Ruushka ayaa Soomaaliya ka cafisay $684 milyan oo deyn ah kadib heshiis ay qalinka ku duugeen wasiirka maaliyadda xukuumadda Soomaaliya Biixi Cige iyo wasiir ku xigeenka maaliyadda Ruushka.

Tallaabadan ayaa la sheegay inay dardargelin doonto dadaallada Soomaaliya ay ku doonayso in ay ku gaarto barta dhameystirka dayn cafinta waqtigeeda ah.

Russia ayaa kamid ahaa waddamada deymaha ugu badan ku lahaa Soomaaliya.

Maalmo ka hor ayay ahayd markii Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay heshiis cusub la saxiixatay Ruushka kaas oo fursad u abuuraya kobac iyo horumar labada dal.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Abshir Cumar Jaamac, ayaa carrabka ku adkeeyay iskaashiga iyo taageerada ballaaran ee Ruushka uu siiyo Soomaaliya, gaar ahaan tayeynta ciidamada ammaanka dalka oo ay ku jiraan Ciidanka Badda.

“Waxaan wadahadal miro dhal ah la yeelanay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ruushka oo ku saabsan danaha labada dhinac iyo siyaabaha loo sii xoojin karo iskaashiga, isuduwidda, iyo dadaallada wadajirka ah. Soomaaliya iyo Ruushka waxaa ka dhaxeeya xiriir soo jireen ah, Ruushkana wuxuu ahaa saaxiib qiimo leh oo dhinacyo kala duwan leh, gaar ahaan horumarinta ciidamadeenna ammaanka oo ay ku jiraan ciidamada badda” ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka, Sergey Lavrov, ayaa dhankiisa sheegay in Ruushka uu diyaar u yahay in uu qalab milateri siiyo ciidamada Soomaaliya, si ay ula dagaalamaan argagixisada.