10/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 17, 2023
Faahfaahino kasoo baxaya qarax sadax ruux ku geeriyootay Maanta oo ka dhacay gobolka Galgaduud
 

Isniin, Luulyo, 17, 2024 (HOL) - Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in duhurnimadii maanta meel u dhaw deegaanka Cali Heelle oo ka mid ah deegaanada hoosstaga degmada Galcad inay ku geeriyoodeen sadax ruux dhalinyaro ah.

Geerida sadaxda dhalinyaradda oo la sheegay iney qaraabo ahayeen ayaa timid kadib markii Mooto nooca laba lugaaleyda oo ay saarnayeen ay haleeshay qarax miino oo ku aasna wadada.

Sadaxda dhalinyarada ee ku dhintay qaraxa miino ee qabsaday mootada ay saarnayeen ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Yaasiin Xasan Shirwac, Maxamed Shariif Cumar iyo Geedi Maxamed Afrax.

Xubno ka mid ah ehelada dhalinyarada maanta qaraxa miino ku geeriyootay ayaa warbaahinta gudaha waxay u sheegeen in mid ka mid ah dhalinyarada qaraxa ku geeriyootay uu dhawaan ka yimid dalka Koonfur Afrika, islamarkaana uu qaraaba salaan u tagay gobolka Galgaduud.

Qaraxyada noocaan oo kale ah ayaa waxaa wadooyinka ku aasa Ururka Al-shabaab xiliyada ay la dagalaamayaan ciidanka dowladda, hayeeshee waxaa khasaaraha ugu badan uu kasoo gaara dadka shacabka ah ee ku safraya wadooyinka kooxda ay miinooyinka galiso.