10/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 27, 2023
Hoobiyaal khasaare geystay oo lagu garaacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho
 

Arbaco, December, 27, 2023 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya tiro hoobiyaal ah oo aroornimadii hore ee saakay ku dhacay xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho oo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Hoobiyaasha ayaa intooda badan ku dhacay xaafadaha ku yaala agagaarka madaxtooyada Soomaaliya, waxaana la sheegay in mid ka mid ah hoobiyaasha inuu ku dhacay guri dad shacab ah dagan yihiin oo ku yaala xaafada Sheekh Yuusuf Alkawnayn, islamarkaana ay ku dhimatay hooyada qoyska guriga uu ku dhacay hoobiyaha.

Haweeneey ka mid ah dadka degan xaafada hoobiyaha uu ku dilay hooyada geeriyootay oo la hadashay warbaahinta gudaha ayaa sheegtay in hoobiyaha uu ku dhacay qolka ay daganed hooyada dhimatay, islamarkaana uu kala gooyay jirkeeda.

“Saaka saaladdii subax marka ay ahayd waxaanu ka war helnay annaga oo jiifna qarax weyn oo meel kasta laga maqlay oo hoobiye ah qoys meel degan ayuu ku dhacay islaantii guriga masuul ka aheyd qoyska ayuu ku dhacay wayna go'goday. guryihii way dumeen dadkii meesha wada joogay way soo wada carareen” ayay tiri

Hoobiyaashaan aroornimadii hore ee saakay lagu garaacay agagaarka madaxtooyada Soomaaliya ayaa kusoo beegmaya, iyadoo  mudooyinkii lasoo dhaafay xaalada amaan ee magaalada Muqdisho ay ahayd mid wanaagsan, waxaana hoobiyaasha noocaan ah looga bartay iney ku garacaan Muqdisho kooxda Al-shabaab.