10/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 12, 2023
Madaxweyne Deni oo dib u dhigay macaabidda guddiga ansixinta baarlamaanka


Talaado, December, 12, 2023 (HOL) - Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dib u dhigay magacaabidda guddiga ansixinta baarlamaanka iyo xallinta khilaafaadka, si xal looga gaaro khilaafka siyaasadeed ee ka dhex jira xukuumadda iyo baarlamaanka Puntland.

Siyaasiyiin uu kamid yahay madaxweynihii hore ee Puntland, Senator Faroole ayaa ku howlan sidii xal looga gaari lahaa ismariwaaga siyaasadeed ee caqabadda ku ah in la bilaabo xulista baarlamaanka.

Dhinacyada ku howlan waan waanta ayaa madaxweyne Deni kula taliyay inuu dib u dhigo magacaabidda guddiga ansixinta baarlamaanka, si fursad loo siiyo wada hadalada socda.

Sidoo kale, guddigan dhex dhexaadinta waxay madaxweynaha Puntland ku booriyeen inuu soo dhiso guddi heshiis lagu yahay oo heli kara kalsoonida musharraxiinta madaxtinimada.

Doorashada madaxtinimada Puntland waxaa ka harsan 23 cishe oo kaliya, waxaana laga cabsi qabaa in khilaafka doorashada uu dib u dhac ku keeno waqtiga doorashada loo asteeyay oo ku beegan siddeeda January 2024.