10/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 7 , 2023
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Odayaasha dhaqanka Galmudug kala hadlay dardar galinta dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab

Isniin, Agoosto, 7, 2023 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug ayaa Xalay kulan gaar gaar ah la qaatay Odayaasha dhaqanka maamulka Galmudug.

Madaxweynaha ayaa waxgaradka Galmudug kala hadlay sidii ay kaalintooda uga qaadan lahaayeen dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab ee wali ka socda deegaanada ay kaga sugan yihiin Galmudug.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Odayaasha ka dalbaday in shacabka reer Galmudug ay ku wacyi galiyaan sidii ay u garab istaagi lahayeen ciidamada Qalabka Sida ee ku howlan sidii ay dalka uga xureyn lahayeen Ururka Al-shabaab.

"Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in caqabadda ugu weyn ee haysata Galmudug ay tahay khawaarijta, si looga adkaadana loo baahan yahay in odayaasha Dhaqanku ay horseed u noqdaan midnimada shacabka, taageridda dowladda iyo in ay door weyn ka qaatan ku gacansiinta Ciidanka Qaranka in ay dalka ka sifeeyaan argagixisada caadeystay daadinta dhiigga dadkeenna" ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Madaxooyada Soomaaliya

Odayaasha dhaqanka maamulka Galmudug ayaa dhankooda la sheegay iney u balan qaadeen Madaxweyne Xasan Sheekh iney ku garab istaagayaan sidii Al-shabaab looga saari lahaa deegaanada Galmudug iyo guud ahaan dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maalin ka hor gaaray magaalada Dhuusamareeb, waxaana madaxtooyada Soomaaliya ay shaacisay in madaxweynaha uu si ku meel gaar ah ugu sii shaqeyn doono Dhuusamareeb oo sida wararku sheegayaan noqoneysa taliska guud ee laga hoggaaminayo howlgalada Al-shabaab looga saarayo deegaanada Galmudug iyo Hirshabeelle.