10/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 5 , 2023
Wasiirka caddaaladda iyo arrimaha dastuurka oo bannaanka looga saaray hoolka golaha shacabka

Sabti, Agoosto, 5, 2023 (HOL) - Wasiirka caddaaladda iyo arrimaha dastuurka Soomaaliya, Xasan Macallin, ayaa bannaanka looga saaray hoolka baarlamaanka, kaddib markii uu kasoo daahay kulan su'aalo weydiin ah oo loogu yeeray.

Baarlamaanka ayaa ka joojiyay hadal jeedin uu samayn lahaa wasiirka, kaddib markii xildhibaanadu ay dalbadeen in hoolka laga saaro, iyagoo ku eedeeyay in uusan ixtiraamin waqtiga goluhu uu ballamiyay.

Wasiirka ayaa lagu eedeeyay inuu muddo hal saac ah dib ugasoo dhacay waqtiga la ballamiyay, si wax looga weydiiyo hindisaha kaalmo shacriyeedka federaalka, kaasoo dhawaan baarlamaanku dib ugu celiyay wasaaradda caddaalada, qaladaad lagu arkay awgeed.

Qaar kamid ah xildhibaanada ayaa ku kala aragti duwanaaday tallaabada wasiirka laga qaadayo. Qaar ayaa soo jeediyay in baarlamaanku kalsoonida kala laabto wasiirka . Qaar ayaa soo jeediyay inuu baarlamaanka horyimaado oo uu bixiyo raali galin, halka qaar kalena ay ku taliyeen in loo cudur daaro.

Xildhibaanada ayaa sheegay in ay tahay markii labaad oo uu wasiirku golaha ku sameeyo xad gudub, waxayna sheegeen mar sii horraysay inuu baarlamaanka usoo diray mid kamid ah la taliyayaasha wasaaradda.

Guddoomiyaha baarlamaanka Sheikh Aadan Madoobe ayaa sheegay in go’aanka laga qaadanayo wasiirka uu yahay, go’aan u yaala xildhibaanada.

Xildhibaanada ayaa soo jeediyay in loo yeero raysal wasaaraha Soomaaliya, Xamse Barre si wax looga weydiiyo, sababta golihiisa wasiiradda aanay u ixtiraamin markii uu baarlamaanku u yeero.