10/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 4 , 2023
Sarkaal katirsan Ciidanka Danab oo 3 bilood ka badan maxkamad la'aan ugu xiran xabsi kuyaalla Ballidoogle
 

Jimco, Agoosto, 4, 2023 (HOL) - Laba Xidigle Mucaawiye Cumar oo ah sarkaal katirsan ciidanka kumaandooska Danab, ayaa muddo ka badan saddex bilood ah xabsi ciidan ku jira, isagoo aan lasoo taagin maxkamad dambiga lagu eedeeyay qaadda.

Sarkaalkan ayaa loo xiray inuu ku lug lahaa weerarkii Alshabaab ay ku qaadeen degaanka Galcad, halkaas oo lagu qaarijiyay taliye ku xigeenkii ciidanka Danab, gaashaanle Xasan Tuure, iyo askar kaloo badan.

Si kastaba ha ahaatee, sarkalkaan oo soo duubay cod qarsoodi ah isagoo ku jira xabsi kuyaalla Balli-Doogle, ayaa wuxuu beeniyay dambiga loo haysto, isagoo dalbaday inuu caddaalad helo.

Wuxuu sheegay muddada uu xabsiga ku xiran yahay in loola dhaqmay si ka baxsan bini’aadantinimada.

Laba Xidigle Mucaawiye Cumar ayaa farriin u diray madaxweyne Xasan Sheikh, isagoo ka codsaday in haddii uu dambi leeyahayna lasoo taago maxkamadda, laguna fuliyo ciqaabta uu mudan yahay, haddii uusan lahaynna wax dambi ah xorriyaddiisa loosoo celiyo.

Mucaawiye Cumar wuxuu sheegay haba yaraatee in aanay waxba ka jirin inuu ku lug lahaa dilka Xasan Tuure. Waxa uu sheegay xarrigiisa in uu salka ku hayo shirqool loo dhigay oo ay ka dambeeyaan sida uu sheegay, saraakiisha ugu sarreysa ciidanka Danab.

“Waxaa la igu dhahay Xasan Tuuraa dishay. Xasan Tuure wuxuu ahaa aniga garabkayga. Maanta heerka aan gaaray isagaa sabab u ahaa. Danab inaan soo galo isagaa sabab u ahaa. Sarkaal inaan noqdo oo aan Masar tababar u aado isagaa sabab u ahaa. Maalinta uu dagaalka dhacay, meesha uu ku dhintay ayaan aniguna ku dhaawacmay,” ayuu yiri Mucaawiye Cumar.

Si kastaba ha ahaatee, laba Xidigle Mucaawiye Cumar waxa uu kamid ahaa askarta lagusoo tababaray dalka  Masar, isagoona muddo 4 sano ah ku maqnaa halkaas waxa uuna kasoo baxay kulliyadda Dagaalka ee Masar.

Dhawaan, beesha uu kasoo jeedo sarkaalkaan ayaa warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho waxayna wax laga xumaado ku tilmaameen in sarkaalkaas muddo intaas le’eg uu maxkamad la’aan  isaga xiran yahay.

Waxay farriin gaar ah u direen madaxweyne Xasan Sheikh iyo wasiirka gaashaandhigga, iyagoo ka dalbaday inuu caddaalad helo sarkaalka la xiray.