10/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 4 , 2023
Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya oo ka hortagay Miino Shabaab ku aasayeen waddo muhiim ah
 

Jimco, Agoosto, 4, 2023 (HOL) - Ciidamada Kumaandooska DANAB iyo kuwa deegaanka ayaa dilay dagaalame katirsan kooxda Alshabaab, kaas oo walxaha qarxa ku aasayay wadada xiriirisa Janaay-Cabdalla iyo Buulo-gaduud ee gobolka Jubbada hoose.

Ciidamada Danab ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay dagaalame kale, kadib howlgal dhacay shalay gelinkii dambe.

Holwgalkan oo ahaa mid qorsheysan ayay saraakiisha ciidamada dowladdu sheegeen inuu qeyb ka yahay howlgallo xiriir ah oo lagu ciribtiriyo Shabaabka ku sugan Jubbaland.

“Falalka geesinimada leh ee ay qaadeen ciidamada kumaandooska geesiyaasha ah iyo ciidamada maxalliga ah waxay tusaale u tahay go’aankeenna ah inaan dadkeenna ka ilaalinno dhibaatada argagixisada,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan ciidammada oo ka hadlay dhacdada. "Waan sii wadi doonaa inaan ku sii adkaysano hadafkeena ah inaan ka hortagno oo aan ka takhalusno khatar kasta oo kaga timaada Al-Shabaab."

Saraakiisha ammaanka ayaa shacabka ugu baaqday in ay feejignaadaan oo ay ku soo wargeliyaan hay'adaha amniga ee dowladd, wixii ay ka shakiyaan oo amnigooda halis ku ah.

Jubbaland ayaa kamid ah degaanada ay Shabaabku waxyeelada ku geystaan miinooyinka ay waddada ku aasaan, iyadoo khasaarha ugu badan uu soo gaaro dadka shacab ah.