10/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 30, 2023
Madaxweynaha Somaliland oo golayaasha sharci dajinta u gudbiyay go'aankii odayaasha dhaqanka

Arbaco, Agoosto, 30, 2023 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland ayaa si rasmi ah u sheegay in ay xukuumadiisu aqbashay go'aankii bahda dhaqanku ay ka gaadhay khilaafka doorashooyinka, wuxuuna u gudbiyay golayaasha sharci dajinta.

Digreeto uu ku saxeexanyahay Madaxweyne Biixi, ayaa lagu socodsiiyay Shir-guddoonka Golaha Guurtida Shir-guddoonka Golaha Wakiillada.

"Waxaannu idinla socodsiinaynaa in xukuumaddu aqbashay soo-jeedintii odayaasha dhaqanka ee fhex-dhexaadinta isu xil-qaamay, anaga oo tix-gelinnay wada-tashiga guud iyo xaaladaha guud ee dalka" ayaa lagu yidhi digreetada.

Golayaasha ayaa laga rabaa in ay xeer ku saleeyaan go'aanka odayaasha "Sidaa darteed, si doorashooyinku inoogu hir-galaan waxaannu ka codsanaynaa Golaha Baarlamaanka (Guurtida iyo Wakiillada) in ay waafajiyaan soo-jeedinta odayaasha dhaqanka shuruucda iyo xeerarka doorashooyinka ee dalka".

Wali qaar kamid ah ururada siyaasada ayaa diidan go'aanka odayaasha ee ku aadan doorashooyinka, waxayna saaka u yimaadeen guddoomiyaha golaha guurtida, iyadoo la sheegay in uu diiday in uu codsigooda aqbalo.