10/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 27, 2023
Shariif Sheikh Axmed: Waa in baaritaan dhab ah lagu sameeyo weerarkii Cowswayne
 

Axad, Agoosto, 27, 2023 (HOL) - Madaxweynihii hore ee  Soomaaliya, Shariif Sheikh Axmed ayaa ka hadlay ciidamadii iyo saraakiishii ku geeriyooday weerarkii shalay Al-Shabaab ku qaadday deegaanka Cowswayne.

Shariif Sheikh Axmed oo farriin soo dhigay boggiisa Facebook, ayaa ku baaqay in baaritaan madax bannaan lagu sameeyo qaabkii loo maareeyey weerarkii Shabaabku qaadeen deegaanka Cowswayne,

“Waxaan si gaar ah ugu baaqayaa guddiga difaaca ee BFS inuu baaris dhab ah ku sameeyo sidii weerarkaas ciidamada badan nooga baxeen u dhacay iyo saraakiishii u xil saarnayd aaggaas,” ayuu yiri Shariif Shekh Axmed.

Dhinaca kale, wuxuu bogaadiyay ciidamada xoogga dalka ee ku guuleystay dib u xoraynta magaalada qadiimiga ah ee Ceelbuur iyo deegaannada kale ee hoos taga Galgaduud.

Kooxda Alshabab ayaa shalay weerar xooggan oo ay ka geysteen degaanka Cowsweyne waxay ku dileen ciidamo badan oo katirsanaa xoogga dalka, kuwaas oo sidoo kale laga furtay hub iyo gaadiid dagaal oo aad u fara badan.

Wuxuu ahaa mid kamid ah weeraradii ugu khasaaraha badan ee ciidanka Dowladda loo geysto. Siyaasiyiinta dhaliilsan dowladda ayaa sheegay in ciidamadan lagu weeraray Cowswayne ay waayeen gurmad ciidan.