10/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 22, 2023
Somaliland oo dagaaladii maanta Laascaanood ka dhacay ku eedaysay Puntland iyo argagixiso
 

Talaado, Agoosto, 22, 2023 (HOL) - Somaliland ayaa sheegtay in ciidamadeeda ku sugan magaalada Laascaanood, ay soo weerareen ciidamada Puntland, argagixiso iyo maleeshiyaad.

Warsaxaafadeed kasoo baxday Wasaarada Gaashaandhiga Somaliland, ayaa lagu sheegay in Somaliland ay waddaamada gobolka, Bariga Afrika iyo beesha caalamkaba ay ogaysiinyso in weerar lagu soo qaaday ciidankeeda ku sugan aaga Maraaga iyo Xargaga ee duleedka Laascaanood.

"Xalay iyo maanta ciidamadayadu waxay wajaheen dagaalo ay kusoo qaadeen ciidamada Puntland, kuwaasi oo kaashanaya ciidamada maleeshiyaadka ka howlgala Laascaanood, iyo kooxo argagixiso ah oo caan ah" ayaa lagu yidhi warsaxaafadeeda.

Somaliland daan daansi ayay ku sheegtay weerarka, iyada oo sheegtay in ciidankeedu ay si guule iskaga difaaceen, isla markaana ay ka go'antahay in ay difaacaan dhulka Somaliland, waxa kale oo ay sheegtay in ciidamadaas ay rabaan in ay burburiyaan nabada, iyaga oo ka shaqaynaya danta Puntland.

Muuqbaahiyaha ku hadla afka xukuumada, ayaa sheegay in ciidamada ay sheegeen in ay weerarka soo qaadeen laga gubay  5 gaadhi, isla markaana laga qabsaday dhul cusub, sidookale waxa uu soo bandhigay ciidamo uu sheegay in ay kasoo goosteen ciidamada kasoo horjeeda.

Madaxda Ciidamada SSC ayaa dhawaan ku dhawaaqay in ay qaadi doonaan weeraro isdaba joog ah, oo Somaliland lagaga fogaynayo Laascaanood, ilaa iyo hada ma jiraan ilo madaxbanaan oo laga ogaan karo cida dagaalka qaaday, iyo khasaaraha midna.