1/19/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 18, 2022
Ciidamada dowladda oo la wareegay deegaano hor leh oo ka tirsan gobolka Shabeellaha dhexe
 

Talaado, October, 18, 2022 (HOL) - Ciidamada xoogga dowladda Soomaaliya ayaa howlgalo qorsheysan kula wareegay deegaano cusub oo hoostaga degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe.

Deegaanada cusub ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed la wareegeen saacadahii lasoo dhaafay ayaa kala Jamceeco Misra, Maqdis, Baardheere, Gaashaanle, Tugaareey, Jameeco Mubaarak, Doonka Maxaa Colow iyo Maansaale, kuwaas oo dhamaatood ku yaala bariga degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe.

Kornel Cismaaciil Xaadoole oo ah mudane ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in howlgalada ay weli ka wadaan gobolka Shabeellaha Dhexe, islamarkaana ay gacanta ku dhigeen 30 Xubnood oo ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Howlgalada ciidamada dowladda ay ka wadaan deegaanada hoostaga degmada Balcad waxaa qeyb ka ah ciidamo ka tirsan kuwa howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS, gaar ahaan kuwa ka socda dalka Burundi, waxaana inta badan deegaanada ay la wareegeen ay ahayeen kuwa ay isaga sii baxeen Al-shabaabkii horay ugu sugnaa.

Gabagabadii Xildhibaan Xaadoole oo ka mid ah masuuliyiinta hoggaamineysa howlgalada ka socda deegaanada hoostaga degmada Balcad ayaa sheegay in ciidanka xoogga dalka ay ka go’an tahay in guud ahaan ay Al-Shabaab ka saaraan degaanada ay kaga sugan yihiin gobolada Shabeellaha Dhexe oo uu sheegay in todobaad gudahiisa ay shabaab kaga qabsadeen ku dhawaad 30 deegaan oo ay horay uga talin jireen.